Ana Sayfa Wararka Xaaf oo Kasoo Muuqday Shirka Madasha Iskaashiga,Jeediyayna War aan Laga Fileynin.

Xaaf oo Kasoo Muuqday Shirka Madasha Iskaashiga,Jeediyayna War aan Laga Fileynin.

0
Xaaf oo Kasoo Muuqday Shirka Madasha Iskaashiga,Jeediyayna War aan Laga Fileynin.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa ka qeyb galay Shirka Maalgalinta Iyo Horumarinta Biyaha oo qeyb ka ah Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya, kaasi uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Xaaf ayaa todobaadkaan eedeen u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in uu lasoo laabtay mas’uuliyadiisa Maamulka galmudug.

Ilo kala duwan ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf lagu qanciyay in uu shirka kasoo qeyb galo,islamarkaana uu aqbalay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale, oo ka hadlay Shirka Siyaasadda loo dhanyahay ayaa Sheegay in ay ka maqanyihiin Saaxibo.

Waxa uu sheegay in rabaan in ay doonayaan Saaxibada Maamul Goboleedyada ka maqan sida Puntlaand iyo Jubbaland.

Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaystirka Galmudug uu hogaamin doono Madaxweyne Xaaf, Asaga oo ku Amaanay In la’aantiis aan la soo gaari lahayn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here