Ana Sayfa Wararka Qaar Kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo Saakay Xiran

Qaar Kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo Saakay Xiran

0
Qaar Kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo Saakay Xiran

Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somaaliya.

Wadooyinka xiran ayaa kala ah Maka Almukaramah,Wadooyinka gala Demadda Xamar Jajab, iyo wadada aada Garoonka diyaaradaha magaaladda muqdisho.

Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya, ayaa gadiidka gaarka loo leeyahay u diidaya wadooyinka xiran,kaliyah waxaa loo fasaxayaa gaadiidka ardeyda iskuuladda wada.

Sababta wadooyinka loo xiray ayaa lagu sheegay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya,oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 50 Dowladood oo dhammaan taageera Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here