Al-shabaab ayaa war kasoo saaray Weerarkii ay ku qaadeen xerada Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Shabaab oo la hadlay warbaahintooda ayaa sheegay in khasaaraha hordhaca ah ee la hayo uu yahay in howlgalka lagu dilay in ka badan 100 askari,sidoo kalena lagu burburiyay ugu yaraan shan diyaaradood oo isugu jira Drones iyo Helicopters.
Sarkaalkan ayaa sheegay in sidoo kale uu burbur xooggan soo gaaray qeybo ka mid ah xerada Bali-doogle, khasaaraha ugu badana ay ka dhasheen qaraxyada iyo dagaalka tooska ah ee ka dhacay gudaha xerada.
Taliska Ciidammada Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in ciidanka xoogga iyo Saaxiibbada Mareykanka ee taageera ay iska caabiyeen weerar gawaari loo adeegsaday oo al-shabaab ku qaadeen Saldhigga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.