Al-shabaab ayaa Shaaciyay Magaca iyo Qabiilka Ninkii isku Qarxiyay Xiradda Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Duleedka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sida ay Baahisay Warbaahinta Shabaab Abshir Yuusuf Cali oo ku magac dheeraa Salaaxudiin kanasoo jeeda beesha Shanta Caleemood kuna dhashay degmada Wanlaweyn ayaa ahaa dagaalyahankii fuliyay weerarkii naf hurnimo ee lagu daah furay dagaalkii xooganaa ee Ceelsaliini wuxuuna weerarkaas sababay khasaara farabadan.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaas lagu dilay 23 ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.