Ana Sayfa Wararka Xasan Jiiroow iyo 20-dagaalyahan kale oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Awdheegle

Xasan Jiiroow iyo 20-dagaalyahan kale oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Awdheegle

0
Xasan Jiiroow iyo 20-dagaalyahan kale oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Awdheegle

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay Duqeyn ku dilay saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Duqeyntan oo ay Ciidammadu ka fuliyeen duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay Ciidammada Xoogga Dalka ka war heleen inay goobtaas isku urursadeen rag Al-Shabaab ah oo doonayey iney weeraro kusoo qaadaan degmada Awdheegle .

Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Dowladda in duqeyntan lagu qaarijiyey in ka badan 20 sarkaal sarkaal oo uu ku jiro ku xigeenka Madaxa Jamhadda Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil oo magaciisa afgarashada uu yahay (Xasan Jiiroow).

Xasan Jiiroow ayay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo af jareen waxa uu hogaaminayey weeraro dhowr ah oo ay Al-Shabaab horey ugu qaadeen deegaanno ay ka mid yihiin Janaale iyo Bariire oo gobolka Shabeelada Hoose ka tirsan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here