Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay beegsiga ay ku hayaan Injineeradda u dhashay dalka Turky-ga kuwaasi oo lagu wareejiyay dhismaha Wadada Xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Gudoomiyaha Hay’adda Maarif, Birol Akgün ayaa sheegay in weeraradada lagu hayo injineeradda Turkyga uu qayb ka yahay beegsada ay shabaabku ku hayaan Hay’adaha iyo Shirkadaha Turkiga ee ka hawlgala gudaha Somaliya.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ay doonayaan Xarakadda Shabaab in la hakiyo Dhismaha wadada Xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, si uusan u fududaanin isku socodka labadda Magaalo.
12-kii May 2019-ka, nawaaxiga isgoyska Taleex waxaa qarax lagula beegsaday Injineer Turki ah, iyadoo dhaawac daran oo qaraxaasi ka soo gaaray uu markii danbe ugu geeriyooday gudaha Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
18-kii bishan 2019-ka, Injineer Turki ah oo saarnaa gaari HILUX ah ayaa lagu qarxiyay inta u dhaxeysa Jaamacada Shabelle iyo Weydoow.
25-kii bishan 2019-ka, Shabaab ayaa qarax culus la eegtay kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, iyadoo qaraxaasi uu ka dhacay meel ku dhow halka ay haatan ku egtahay dhismaha wadada, inkastoo ay sii soconeyso.