Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kuwa waramaya in qarax Miino oo dhulka la galiyay la eegtay Kolonyo uu La socday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa dhacay xili uu halkaas marayay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur,iyo Saraakiisha Ciidamadda,waxayna kasoo laabteen saldhig ku yaala Shabeelaha Hoose gaar ahaan Ceel Saliini.
Saraakiil ka Tirsan ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Gudoomiyaha uu nabad qabo,islamarkaana khasaare uu jiro.