War- Saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa lagu soo dhaweeyay kacdoonka shacabka Gobolka Bakool ay wadaan ,kaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab.
.”Kacdoonka shacabka ee looga soo horjeedo Al-Shabaab, wuxuu horay uga socday gobollada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan, taasoo lagu wiiqay itaalka Al-Shabaab,,dowladdu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka Al-Shabaab oo duulaanka ku ah Diinta, Dadka, Hanitda iyo dowladnimada Soomaaliya.”ayaa laggu yiri waraxaafadeedka.
Shacabka Soomaaliyeed, waxaan xasuusinaynaa in Al-Shabaab ay si xoog leh u wiiqmayaan bilihii lasoo dhaafay, iyadoona ay dowladda ay isu soo dhiibeen horjoogayaal iyo xubno ka tirsan Shabaab.