Faah-faaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo caawa ka dhacay gudaha Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Jugta Qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Wadada Maka Al Mukarama,waxayna aheyd Miino la dhigay wadada dhinaceeda gaar ahaan irida hore ee Maqaayada Al Caasimah oo galabta xariga laga jaray.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay labo askari oo ilaaLo u aheyd Xildhibaan Abduqaadir Arabow, iyo Darawal Mooto Bajaaj.

