Injineero Turky-ga u Dhashay oo Lagu Qarxiyay Duleedka Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo Barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka Jaamacadii Shabeelle ee Duleeedka Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala eegtay Gaari Hilux ay la socdeen Injineero kamid ah kuwa dhismaha kawada wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay mid kamid ah Injineeradda iyo labo kamid ah Ilaaladiisa,waxaana goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Alshabaab ayaa horey ugu digay in la dhiso Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here