War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska AFRICOM ayaa lagu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee mareykanka ay duqeymo ka fuliyeen 17ka bishan qeybo kamid ah gobalka jubbada hoos.
Xafiiska africom oo kaashanaya dowladda Federaalka Somalia waxa ay duqeymo u geysteen goobo ey ku sugan yihiin alshabaab kadib weerar ey alshabaab ku qaadeen ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa waqoooyi galbeed magaladda kismaayo.
War saxaafadeedka kasoo baxay taliska mareykanka ee africom waxaa lagu sheegay duqeymahan laga fuliyay qeybo kamid ah gobalka jubbada hoose in lagu dilay 2 kamid ah dagaalyahanada alshabaab,waxeyna sheegeen taliska mareykanka ee africom in eysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka shacabka ah.
“Waxaan sii wadi doonaa taageeradda iyo la shaqeynta dowladda federaalka Somalia ee aan wadnay mudda dheer taasi oo la doonayo in Somalia lagu soo dabbaalo xasilooni iyo amni waxa qeyb ka ah howgalka nabad ilaalinta somalia ciidamadda midowga Africa ee amisom,sidoo kale africom waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay sii wadi doonaan taageerada millitari ay siiyaan ciidamada amaanka dowlada federaalka Somalia iyo sidoo kale hababka lagu caawin karo si loo difaaci lahaa shacabka Somalida ayaa lagu yiri war saxaaafadeedka kasoo baxay taliska mareykanka ee africom.

