Maamulka Jubba-land ayaa ka hadlay cidii ka dambeysay dhaawacii caawa magaaladda kisamayo loogu geystay Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar,oo kamid ah Xubnaha Mucaaradsan Madaxweyne Axmed madoobe.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinur Ibraahim Xuseen oo kasoo muuqday Warbaahinta Jubbaland ayaa sheegay in kooxo hubeysnaa ay ka dambeeyeen falka lagu dhaawacay nabadoonka,islamarkaana lagu raad joogo xiligaan.
Dhanka kale waxa uu sheegay in Xaaladda caafimaad ee Nabadoon Qalyar ay wanaagsan tahay xiligaan,islamarkaana haatan lagu dabiibayo isbitaalka magaaladda kisamayo.
Mgaalaada kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland,ayaa sidaan oo kale waxaa loogu toogtay xubno kasoo horjeeday Maamulka haatan jira ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.