Xukuumada Soomaaliya Oo Sheegtay In Siyaasi Aan Laga Celin Karin In uu Ka Safro Garoomada Diyaaradaha Dalka

Raiisul wasaaraha xukuumada Xil gaarsiinta maxamed xuseen rooble ayaa waxa uu si kulul uga hadlay arinta ku saabsan in siyaasiyiin doonayay in ay ka safraan garoomada diyaaradaha dalka lagu sameeyo ishor istaag

Waxaana uu sheegay in arintaasi ay tahay mid aan la aqbali karin islamarkaasna hadaan wixi ka bilowday aysan jiri doonin in muwaadin soomaaliyeed laga celiyo safar uu xaqdastuuri ah u leeyahay

Raiisul wasaare rooble ayaa waxa uu wacad kumaray  in talaabo uu ka qaadidoono cidii lagu helo in ay celinayso siyaasiyiinta soomaaliyeed kuwaasi oo doonaya in gobolada dalka ay usoo bandhigtaan olalahooda doorashada

raiisul wasaaraha ayaa sheegay in ay ubaahanyihiin in ay qabtaan doorasho xor iyo xalal ah taasina ay ku dhinici karto in qof walba xoriyadiisa lasii oo uu tago deegaan doorashadiisa

Dhanklae raiisul wasaare rooble ayaa waxa ka hadlay arinta xildhibaanada gobolada waqooyi ,waxaana uu sheegay in haatan ay wadaan la tashiyo kala duwan oo uu la sameeynayo xildhibaanada iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyin

waxaana uu xusay in haatan ay meel wanaagsan u marayso dhawaana uu soo gabgaboobmi doono islamarkaasna waxa uu sheegay in khilaafka jira ay xalwaara ka gaarayaan