Xildhibaano Ka Tirsan Puntland oo Mooshin Ka Keenay Gudoomiye Dhoobo

In ka badan 40-xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka puntland ayaa Mooshin ka gudbiyay guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkas Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Xildhibaanadda ayaa Gudoomiyaha ku eedeeyay in uu ku kacay falal jebinaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka,islamarkaana Maleeshiyaad hubeysan uu u gacan galiyay Xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland ee magaladda Garoowe.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland uu jabiyay  qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada.

Gudoomiye Dhoobo ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.