Xildhibaanada Maamulka Puntland oo Kulan Ka Yelanaya Mataaladda Gobolka Banaadir Loo Ansixiyay

Xildhibaanada  Maamul Gobaleedka Puntaland ayaa lagu wadaa in ay maanta soo saran go’aammo ay kaga soo horjeedaan maqaamka dhawan ay muqdisho yelatay, Mudanayaasha waxaana Baarlamanka Puntland ay ka shirayaan in ay soo saaraan go’aamo ka dhan ah Ansixintii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 xubnood.

Sidoo kale Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa Shalay dood adag ka yeeshay sida Puntland ka yeelayso  Go’aankii Baarlamanka Federaalku ay ku anisixiyeen Mataaladda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo ku-xigeenadiisa, isla markaana waxaa goobjoog ka ah inta badan Xildhibaanada Maamulkaas.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.