Xildhibaan Xasan Macalin oo ka Hadlay Dilkii iyo Kufsigii Xamdi Maxamed

Xildhibaan Xasan Macalin oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu daba taaganyahay kiiska kufsiga iyo dilkii waxashnimada ee loo geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in ilaa dhamaad uu kiiska daba taagnaan doono.

“Aniga oo ka mid ah ehelka iyo xildhibaanada marxuumadi Allaha u naxariistee Xamdi Maxamad Faarax Caroone-Gooni ku matala golaha shacabka waxaan rabaa in dhammaan ummadda Soomaalida u caddeeyo in dhibkii  dhacay aan daba taaganahay, gacanta lagu hayo dhowr qof oo lala xiriirinayo falkaas, kuwa kalana lagu raad joogo.

Walaalayaal weli waxaa socda baaristii falkaas bahalnimada ah waxaana laga sameeyay horumar, sidaa darteed waxaan codsanayaa in si mas’uuliyadi ku dheehan tahay loo adeegasado warbaahinta”

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar ku aadan in ay jiraan Xildhibaano iyo Saraakiil Doonaya in Xabsiga kasii daayaan Raga u xiran kiiska Kufsiga iyo Dilka Marxuumad Xamdi Maxamed.