Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka oo ka Badbaaday Qarax ka Dhacay Muqdisho

Faah-faaahino  dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo caawa ka dhacay  gudaha Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Jugta Qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Wadada Maka Al Mukarama,waxayna aheyd Miino la dhigay wadada dhinaceeda gaar ahaan irida hore ee Maqaayada Al Caasimah oo galabta xariga laga jaray.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay labo askari oo ilaaLo u aheyd Xildhibaan Abduqaadir Arabow, iyo Darawal Mooto Bajaaj.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.