spot_img

Xiisad u dhaxeysa dadka deeganka Magaalada Boorama iyo Ciidamada Amaanka Somali-land  oo saakay Mar kale Taagan

Wararka saakay ka imaanaya magaalada Boorama ee Gobolka awdal ayaa sheegaya in saakay  mar kale ay taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada amaanka Maamulka Somali-land iyo dadka deeganka ku nool

Wariyaha radio simba ee Magaalada Hargeysa  al-cadaala ayaa soo sheegaya in saakay ay mar kale xiisad u dhaxeysa dadka deeganka iyo ciidamada amaanka in laga dareemayo Magaalada Boorama ee Gobolka awdal

Dadka ayaa ka Careysan intooda badan ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Somali-land oo Rasaas ku furey dad shacab ahaa oo ku sugnaa Garoonka ciyaaraha Magaalada Boorama taasi oo keentay dhimashada dad ku sugnaa xiligaas Garoonka

Sidoo kale shalay Rabashado ka dhacay Magaalada Boorama ayaa sababay in la gubo guriga Taliyaha ciidamada Booliska Maamulka Gobolka awdal wallow ay soomali-land ay sheegtay in gacanta lagu soo dhigi doono dadkii ka dambeeyay Gubida Guriga Taliyaha Booliska Gobolka awdal

 

 

Related Post

Wararka