spot_img

Weeraro Qaraxyo Ah Oo Lala Eegtay Ciidamo Katirsan Amisom

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weeraro   qaraxyo oo khasaaro kala duwan lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti xilli ay ku sugnaayeen degmada Buula Burde ee gobolka hiiraan.

Sida ay wararku sheegayeen jugta dhowr qarax ayaa laga maqlay garoonka diyaaradaha macmalka Buula Burde halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Jabuuti balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dhanka gobolka Bakool weerar culus ayaa  lagu qaaday  saldhigga ay ciidamada  Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur,

ilo  deegaanka ah ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka madaafiic iyo rasaas lays dhaafsanayay balse aysan xaqiijin karin qasaaraha ka dhshay weerarkaani

Al-shabaab ay guulo ka sheegtay weeraradaan ,waxaana ay tilmaameen in ay qasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada amisom walow aysan sheegin tira ahaan cadadka uu la,egyahay qasaaruhu

Majirto wax war ah oo kasoo baxay oo kasoo baxay taliska ciidanka amisom oo looga hadlayo weeraradaan la sheegay in lala beegsaday ciidamada amisom

Related Post

Wararka