Weerar Qasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

wararka ka Imaanaya Gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay bamba gacmeed lagu weeraray goob maqaaxi ah oo kutaal magalaada kismaayo ee gobolkaasi jubbda hoose

goobta maqaaxida ah ee la weerrary ayaa waxa la sheeay in ay ku sugnayeen ciidamo ka tirsan mamaulka jubbaland

waxaana lagu soo waramayaa in kooxa hubeysan ay bam gabeed ku weerareen maqaaxidaan oo ku taalay sida la sheegay xaafada dalxiis ee gudaha magalaada kismaayo ee gobolka jubbada hoose

Qasaare kala duwan oo u badnaa dhawacyo ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay weerakaan xalay ka dhacay xaafada dalxiis ee magaalada kismaayo

dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaan lagu qaaday maqaaxida ay ku dhaawacmeen ilaa iyo shan qofood oo shacab ah

waxaana la sheegay in durbadiiba ay goobta iskga baxsadeen kooxdii weerarka soo qaaday intaasi kadib ciidamada daraawiishta mamaulka jubbaland ayaa dhaqdhaqaqyo ciidan ka sameyay xaafadaha magaalada kismaayo walow aan ilaa iyo hada la ogeyn cid loo qabtay weerar xalay ka dhacay magaalada kismayo

majirto cids sheegatay masuuliyada weerarkaan qasaaraha sababay ee ka dhacay xaafada dalxiis ee magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose