spot_img

Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Amisom

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciid oo kuyaal gobolka gedo

xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa lagu soo waramayaan in tiro madaafiic ah ay ku garaaceen saldhig ciidamada kenya ay ku leeyihiin degmada ceelwaaq ee gobolka gedo

ila deegaanka ah ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen jugta culus ee madaafiicda islamarkaasna aysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan

Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in tiro madaafiic ah ay ku garaaceen saldhiga ciidanka kenya ee degmada ceelwaaq

waxaana ay sheegen in madaafiicdaasi ay gudaha ugaleen saldhiga islamarkaasna ay qasaaro ku gaarsiin ciidamada kenya

al-shabaab macadeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha uu dhaliyay weerar madaafiicda loo adeegsaday ee ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada kenya ay ku leeyihiin Gobolka Gedo

Related Post

Wararka