spot_img

Weerar Khasaaro Dhaliyay Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare kala duwan dhaliyay oo saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafad ka tirsan Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

Weerarka ayaa yimid kadib markii xubno Katirsan dagaalamasha Al-Shabaab ay weerareen Fariisimo Ciidamo ka tirsan dowladda ay ku lahayeen halka loo yaqaan hanta dheer oo ka tirsan Degmada Afgooye

Waxaana  halkaasi ka dhacay iska hor,imaad xoogan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo alshabaab

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay Weerarkaani

Al-Shabaab ayaa guulo dhowr ah ka sheegtay dagaalka ka dhacay Afgooye
<span;>Waxaana ay sheegeen in ay ku dileen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda

War qoraal ah oo Al-Shabaab ay ku baahiyeen dhinaca intermeetka
Waxa ay ku sheegteen in ay ku dileen 5 askari islamarkaasna ay ku dhaawacmeen 2 laba kale

Sidookale  waxa ay sheegeen in dagaalka kadib ay qarax xoogan la eegteen Ciidamo gurmad ah oo soo gaaray  goobta uu dagaalku ka dhacay

Wali marto wax war ah oo kasoo Maamulka Degmada Afgooye iyo koongur Galbeed oo looga hadlayo  weerar iyo qarax Al-Shabaab ay sheegeen in ay la beegsadeen Fariisimaha Ciidamada Dowladda ay ku laahayeen Afgooye

Related Post

Wararka