Wasiirkii Xilka Laga Qaaday Amb. Cawad oo Iska Diiday Xilka Safiirnimo ee La Magacaabay

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ee caawa xilka laga qaaday Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aanu diyaar u aheyn inuu qabto xil Safiir iyo mid kaleba.

Qoraalka uu Amb. Cawad soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in Madaxweynuhu ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha dibadda ee loo magacaabay January 2018-kii.

Waxa uu sheegay Amb. Cawadin uusan haatan diyaar u aheyn in uu qabto xil safiirnimo,iyo xilal kale oo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaharaha Soomaaliya ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magacaabay mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, kaasi oo badali doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Dalka mudane Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa wareegtada ka akhriyay Dowladda waxaana uu sheegay in wareegtadan ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ka soo baxday maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha November ee sanadka 2020.