spot_img

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo Maanta Lagu Xanibay Garoowe

Xiisaad Cabsi badan abuurtay ayaa maanta waxa ay ka taagantahay Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland

Xiisaadaan ayaa timid kadib markii  wasiirka qorsheynta Soomaaliya jamaal maxamed xasan iyo ilaaalo hubeysan oo uu watay ay ka dageen Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe iyaga oo damacsan in ay usii gudbaan deegaano ka tirsan Puntland

Wararka aan ka helayno Garoowe ayaa sheegaya in wasiirka iyo ciidamada uu wato ay doonayeen in ay aadan dhankale Degmada Dhahar balse Ciidamo ka tirsan  Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ishor istaag ku sameeyay wasiirka iyo ciidanka ilaalada u ah

Waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Puntland dhamaan ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe iyadoona la sheegay in hada labada ciidan ay is hor fadhigaan islamarkaasna laga cabsi qabo in isku dhac udhexya labada dhinac uu halkaasi ka dhaco

Maamulka Puntland wali ka aanuu hadlin jahwareerka maanta ka taagan garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe Balse Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay war kaga soo saaraan islamarkaasna ay Faahfaahin buuxda ka bixiyaan waxa keenay xiisadaan

Related Post

Wararka