Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad oo La Rasaaseeyay

Wararka ka imaanaya Degmadda Carmo ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo la socday wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, iyo ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo dhawaan gadooday.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ilaalada wasiirka Amniga iyo ciidanka kale oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux, ayay israsaaseyn culus ku dhexmartay gudaha Carmo.

Wali Lama oga khasaaraha ka dhashay  israsaaseyntaan.

Dhanka kale Xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayo Beel-daaje Maxamed Beel-daaje Ismaaciil ayaa sida la sheegayo markii dambe ku guulaystay in ay kala dhex galaan wasiirka iyo ciidanka Daraawiishta ee halkaasi ku sugan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.