Wasiir Khadiija:-“Suurtagal Ma Ahan in Muqdisho Stadium Laga Dhigo Goob Karantiil”,!

Wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor timid qorshe ku aadan in ciidamo ka socda dalalka Jabuuti iyo Sacuudiga oo qaba Carona-virus in la keeno Magaaladda Muqdisho,islamarkaana lagu karantiilo Garoonka Muqdisho Stadium.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin wararka arrimahaas la xiriira,islamarkaana Garoonka muqdisho Stadium uu yahay Goob lagu ciyaaro.

Dhanka kale Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in garoonka ciyaaraha muqdisho uusan aheyn goob loo cayimay xarunta karantiilka Dowladda shaacisay.

“ka-yeeli meeyno masuuliyadaana na fareeysa ogaada dowlad iyo shacab,guddiga heerka sare ee ka hortagga carona (covid-19)aad iyo aad beey idiinka qaldan tahay ee dib isugu laabta, garoonka ciyaaraha muqdishana ma ahan goob loo cayimay xarun karantiilka dowladda waana xadgudub shaqooyinka ee hala joojiyo, tan 2-aad stadium mugadisho boqolaal ciidanka booliiska soomaaliyeed ah ayaa waar-diyeeya sidoo kale boqolaal kale oo dhallinyaro ah ayaa ka wada howlo dayactir iyo dib u dhis ah, sidoo kale ajaaniib aan u keenay howlaha garoonka oo ku xaadiraya maalin kasta mana noqon karto goob karantiil horayna nalooma weydiinin”,ayay tiri Wasiir Khadiija.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.