Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo Turkiga Ku Geeriyooday

Alle ha u Naxaristee waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax, kaas oo la sheegay in uu maalmahaan xanuunsanaa.

Marxuumka ayaa xilka Ra’isul Wasaare waxaa uu soo noqday intii u dhaxeysay 12-kii Bishii November ee sanadkii 2001 ilaa 2003-dii,xilligaas oo uu madaxweyne dalka ka ahaa Cabduqaadis Salaad Xasan.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka, Xasan Abshir Faarax.

”Waxaan tacsi u dirayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo.”ayuu yiri xasan Cali kheyre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.