Wasaaradda Amniga oo Ka Hadashay in La Weerari Rabay Sheekh Shariif

Wasaaradda amniga dalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegaya in hay’adaha amaanka dalku abaabuleen weerar lagu qaado madaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa xiriirka Bulshada Facebook, wuxuu ku beeniyay in wararkaasi ay yihiin mid been abuur ah.

Wasiir Islow ayaa uga digay Masuuliyiinta qaar ee dowladda Somaliya ku jira inay si qaldan dadka wax ugu sheegaan.

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur. Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro” Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow.

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen inuu fashilmay isku day la doonaayay in lagu weeraro guriga uu degan yahay Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.