Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Magaaladda Garoowe

Inta la xaqiijiyay 3-ruux ayaa ku dhimatay kadib markii dagaal waqti kooban socday uu xalay ka dhacay Magaaladda garoowe ee Caasimadda Maamulka.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamo horey ugu sugnaa xarunta Baarlamaanka Puntland iyo ciidamo kale oo la sheegay in ay doonayeen in ay kala wareegaan.

Dagaalka waxaa ku dhintay Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo xarun ganacsi halkaas ku lahaa, iyo labo askari, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka xalay ka dhacay Magaaladda garoowe uu yimid kadib khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.