spot_img

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Magaalada Guriceel

Waxaa saakay markale Magaalada Guriceel laga maqlayaa dhawaqa rasaas goos goos ah oo ka yeeraysa Magaalada

Waxaana la soo sheegayaa in laga cabsi qabto in dagaal uu halkaasi ka bilowdo maalintii afaaraad

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug ayaa inta badan Magaalada ku sugan iyadoona dhinaca ay kaga suganyihiin kooxda kasoo horjeeda ee ahlusuna

Wariyaal ku sugan Guriceel ayaa idaacada simba u sheegay in dagaalka uu xalay joogsaday balse saakay la maqlayo rasaas aan badneyn oo dhacaysa taasi oo laga cabsi qabo in ay dhiliso dagaal toos ah oo markale Guriceel ka bilowda

Dagaalkaan oo khasaaro badan dhaliyay ayaa ilaa iyo haatan cidna la jabin

Waxaana haatan la sheegay in xaaladu ay uuuqato in laisku garbo dhacay

Sidookale Waxa lasoo sheegayaa in labada dhinac ay gurmadyo kala duwan helayaa

Warar hoose oo la helay ayaa sheegaya in hub culus laga qaaday keydka hubka Ee Ciidamada Amisom kuwaasi oo ay dalbadeen  Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda si loogu soo afjaro dagaalka ka soconaya Magaalada Guriceel 

Related Post

Wararka