Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxa Ka Dhacay Magaaladda Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee caasimadda Gobolka Bari.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ciidamadda amaanka Puntland ay ku jireen howlgalka bandowga ee Magaaladda kaasi oo bilowda Salaada maqrib ka dib.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan Puntland qaraxa ayaa ka dhacay wadada dheer ee dhex marta bartamaha Magaaladda agagaarka Ex Hoteel Nakhiil.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Maamulka Puntland,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 9-ruux.

Weli ma jirto faahfaahin ka soo baxday laamaha amaanka Puntland oo ku saabsan qaraxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.