Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalka Shabaab iyo Ciidmadda Dowladda ee Marka

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakdda Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday sldhig ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin  xaafadda Ruusiyo ee Magaalada Marka.

Al-shabaab ayaa gantaalaha garbaha laga tuuro iyo hubka noocyadiisa kala duwan ku weeraray mid ka mid ah xeryaha ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacado socday.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,islmarkaana aan la ogaan Karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamadda Dowladda soomaaliya, ayaa sheegay in ay iska difaaceen shabaabkii soo weeraray,islamarkaana jab ay u geysteen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Shabaab oo looga hadlaayo dagaalka ka dhacay xaafadda Ruusiyo ee Magaalada Marka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.