Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal iyo qaraxyo maanta ka dhacay Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.
Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaanka,waxaana xigay dagaal dhexmaray Labadda Ciidan.
Sida lagu daabacay warbaahinta Dagaalyahnadda Al-Shabaab,waxaa weerarka lagu qabsaday 5-gaari oo kuwa Dagaalka ah.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.