spot_img

Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Gooni-isu-taaga Somali-land oo is Casilay + Liiska

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Soomali-land  ayaa sheegaya in ay is casileen wasiiro ka Tirsan Maamulka soomali-land

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka  Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan ayaa Goor dhaweyd waxa ay ku dhawaaqeen in ay iska Casileen Xilkii Wasiir Nimo ee ay ka hayeen Xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Shir Jaraaid ay ku qabteen Gudaha  Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka soomali-land  ayay kaga dhawaaqeen in ay gabi ahaanba ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweynaha Maamulka Somali-land axmed Maxmed Maxamuud siilaanyo

si Kooban Tirada  Is Casishay

  1. Wasiirka Wasaarada  Arimaha Debada Maxamed Biixi Yoonis
  2. Wasiirka Wasaarada   Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan
  3. Wasiirka Wasaarada   Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid
  4. Wasiirka Wasaarada  shaqada iyo arimaha Bushada Dr Cabdi Aw Daahir
  5. Wasiirka Wasaarada  hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed
  6. Afhayeen Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul
  7. Wasiirka Wasaarada  waxbarashada Faaraxa Cilmi Geedoole.
  8. Wasiir-Ku xigeenka Wasaarada  Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil
  9. Wasiir-ku xigeenka Wasaarada  Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq
  10. Wasiir-ku xigeenka Wasaarada  shaqada iyo arimaha Cabdi Waaxid Cabdiraxmaan Cabdi qaadir
  11. Wasiir-ku xigeenka Wasaarada  Deegaanka
  12. Wasiir-ku xigeenka Wasaarada  Hawlaha Guud
  13. Wasiir-ku xigeenka Wasaarada  dibu deginta Nimco Xuseen qaqdhan
  14. Agaasimaha Wasaarada Warshada Mawliid Yoonis

 

Related Post

Wararka