War Deg Deg:- Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho

Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeyso deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee duleedka Magaaladda Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay,taasi oo dhalisay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ahaa.

Dad saarnaa mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno caasiga ayaa la sheegay in qaraxa uu sameeyay.

Ilaa haatan lama oga cida lala beegsaday qaraxaan,wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.