spot_img

War Deg Deg:-Ganacsato Caawa Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysnaa oo labo ruux caawa ku dilay Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay xiligii afurka agagaarka daarta Xaaji Gaabow ee Degmada dharkinley ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal dilkaan ayaa loo geystay labo ruux oo la sheegay in ahaayeen Ganacsato si weyn loogu yaqaanay Degmadda Dharkinley.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha hubeysnaa ay goobta ka baxsadeen islamarkaana goobta ay soo gaareen Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

 

Related Post

Wararka