War Deg Deg:-Dhalinyaro Caawa Lagu Laayay Magaaladda Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Goordhaweyd halkaas lagu laayay Dhalinyaro.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo qoryo ku hubeysnaa ayaa dhalinyaradda rasaas ku furey xili ay fadhiyeen goob Shaaha lagu Cabo.

Falkaan waxaa ku dhintay 3dhalinyaro ah,afar kalana way ku dhaawacmeen, waxaana la dhigay isbitaalka Digfeer.

Ragii fuliyay falkaan ayaa isaga Baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.

Muddooyinkii dambe Degmada Kaxda waxaa ka taagnaa xiisad salka ku haysa dilalka aanooyin qabiil, waxaana taasi ay sababtay caawa in la laayo dhalinyaro meel fadhiday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.