War Deg Deg:-3-Ruux oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa 3-ruux waxa ay ku dileen Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay wadada buundooyinka ee kala qeybisa degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in ragga la dilay ay wateen Mooto nooceedu ahaa Fekon waxaana rasaas ku boobay dabley bastoolado ku hubeysan xili ay marayeen ka soon horjeedka masjidka Bandhabow.

Ragii dilka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta gaaray Ciidamadda amaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.