spot_img

Waqtiga Uu Furmayo Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir Oo La Shaaciyay

Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay Xiliga Uu Si Rasmiga ah ubilaabanayo Tartanka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir Xasan aadan Yabarow Wiilka ayaa shaaciyay in si rasmi ah tartankani u furmi doono maalin khamiista ah  Taariikhduna ay ku beegantahay 25   bishani November

Tartankaan oo sanadkaan aad uxiisa badan waxa ka qeyb Dhamaan Degmooyinka kuyaal Gobolka banaadir iyo kuwo ka  Baxsan Gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah Degmooyinka Afgooye iyo Balcad

Sidookale Tartanka waxa sanadkaan ku cusub Deegaanada Hoosyimada Magaalada Muqdisho Ee  kala ah Daaru-Salaam Garasbaaley iyo Deegaanka Gubadleey

Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Sanadkiiba marla qabtaa

Waxaana Tartaanka Sanadkii hore Qaaday oo Sanadkaan difaacanaysa Degmada Shangaani

Related Post

Wararka