Wafdiga Shiinaha iyo MW Muuse Biixi oo Qodobo Isku Fahmi Waayay+Dhageyso

Xilli saacadihii lasoo dhaafay wafdi ka socda dowladda shiinaha ay gaareen magaalada hargeysa ee xarunta maamulka somaliland, islamarkaasna ay kulan la qaateen madaxaweynaha maamulkaasi somaliland musa biixi cabdi,ayaa waxaa arimahaas ka hadlay mid kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulkaas.

Waxaa lagu soo waramayaa in la is ku fahmi waayay kulan ay wada qaateen madaxweynaha mamulka Somaliland iyo Wafdiga ka socday dowladda shiinaha.

Waxyaabaha laga hadlay ee laisku mari waayay waxa kamid ahaa arimaha ku saabsan xiriirka Taiwan iyo somaliland oo mudooyinkii dambe soo ifbaxayay.

Waxaana la sheegay in wafdiga ka socday shiinaha ay Somaliland ka dalbadeen inay joojiyaan xiriirka ay la sameynayaan Taiwan oo ah maamul inuu ka go’o doonaya dowlada shiinaha.

Maamulka Somali-land ayaa iyaguna ka dalbaday wafdiga shiinaha inay aqoonsi siiyaan ama ictiraafsiiyaan balse wafdiga dowlada shiinaha ayaa la sheegay inay ka biyadiideen arintaasi.

Xildhibaan Axmed diiriye nac nac oo ka mid ah xildhibaanada maamulka somaliland oo la hadlay Idaacadda simba ee muqdisho ayaa sheegay in mamaulka somaliland uu ictiraafay Taiwan wafdiga ka socday dowlada shiinahana warkoodu uusan ucuntamin.