Wafdi ka socda Qaramada Midoobay Oo ku wajahan Magaalada Kismaayo

Wafdi uu horkacayo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan arimaha Soomaaliya  James Swan ayaa maanta ku wajahan Magalada Kismayo oo xarun GMG u ah Maaamulka Jubbland.

Safarka James Swan  Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa noqonaya kii labaad oo muddo bil gudahood ah uu ku tago magalada Kismaayo, oo ay ka socoto qaban qaabadi uu danbeesay ee doorashada Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka jirta xaalad Siysaasadeed oo kacsan taasi oo udhaxeeysa Madaxwaynaha uu waqtigiisa dhamaaday ee Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) iyo Musharaxiin utartameysa xilka Madaxatinimo ee Maamulka Jubbaland.

Guddiga Xaduudeynta iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa ka soo hormariyay doorashada waqtigii hore loo shaaciyay in dhaceyso taasi oo aheyd 24 ka bishaan, waxaana ay guddiga ay shaaciyeen marakale dhawaan inay doorashada dhaceeyso 19 ka bishaan oo ku beegan todobaadka soo socda bartamihiisa, waxayn taasi badashay xaaladii Siyaasadeed ee ka jirtay Magaalada Kismaayo.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.