Wafdi Ka Socda Dowladda oo Ku Wajahan Gaalkacyo,Lana Kulmaya Xaaf

Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gabalka Mudug ayaa lagu wadaa in ay gaaraan maanta wafdi ka socda Dowladda dhexe Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wafdigaan aya waxaa huggaaminaya Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka laba aqal Sanotor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo masuliyiin kale.

Waxaa ay wafdigu la kulmi doonaan sida la sheegay madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Halkaa ku sugan, Xaaf ayaa lagu wadaa in uu wada hadal la furo madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Kaariye Qoor-qoor oo dhawaan la filayo in loo caleema saaro madaxweynaha Galmudug.

Waxaa Wafdiga  sidoo kale qeyb ka noqon doona odayaal iyo siyaasiin ka soo jeeda deegaanada Galmudug,waxaana Magaaladda Gaalkacyo laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.