Wadooyinka Xiran ee Magaaladda Muqdisho oo La Furayo,DFS oo Xaqiijisay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la furi doono wadooyinka xiran ee Magaalada muqdisho ee dhagaxaanta lagu jaray.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), oo la hadlayay Tv-ga Universal ayaa sheegay in dhawaan dhegxaanta laga daad-gurayn doono Wadadda Wadnaha ee Magaalada Muqdisho, kuwaa oo sida uu sheegay la gayn doono Wadada Warshadaha iyo wadooyinka kale ee magaalada soo gala.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya waajib ka saaran yahay xaqiijin amniga, islamarkaana la aamisan yahay inay dhegxaanta qayb ka yihiin dadaalada lagu xaqiijinayo amniga magaaladda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dagaalyahanadda Al-shabaab,ay ku adkaatay in qaraxyo ay soo galiyaan Magaaladda muqdisho,madaama la xiray wadooyinka Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.