Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha oo Saakay Banaanbax ka Dhigay Muqdisho

Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha ayaa saakay banaanbax ka dhigay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaar kamid ah wadayaasha ka dhex-shaqeeya Isgoyska Sanca ilaa degmada Xamarweyne ayaa waxa ay sheegeen in shaqadii ay joojiyeen, kadib markii sarkaal ka tirsan Maamulka Degmadda boondheere uu ku amray in ay bixiyaan lacag dhan 100 oo Shillinka Soomaaliga.

Sidoo kale waxa ay sheegeen In lacagta lagu amray in ay bixiyaan ay tahay sharcidaro, islamarkaana aysan awoodin xiligaan.

Ugu dambeyntii waxa ay baaq u direen Madaxda Dowladda Soomaaliya,waxayna ka codsadeen In ay arintaan soo faragaliyaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.