spot_img

Wadahadaladii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Oo Fashilmay

Warar lagu kalsoonan karo ayaa waxa ay sheegayaan in lagu guul dareystay wadahadaladii laiskugu soo dhaweynayay madaxweynaha iyo raiisul wasaare rooble

Saacadihii lasoo dhaafay waxa soconayay dadaalo kala duwan oo lagu dhexdhexaadinyo labada masuul kuwaasi oo ay hormuud u ahaayeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada galmudug iyo koonfur galbeed

Waxaana la sheegay in madaxweynayaasha maamul goboleedyadu uu fashilmay islamarkaasna uu istaagay

Wali rajadu maxuma oo waaxa la qorsheynayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Rooble si rasmi ah laisku soo hor fariisiyo si ay uga wada hadlaan khilaafka ka dhax aloolsan

khilaafkaan ayaa waxa uu salka ku haya muran ka dhashay kiiska ikraan tahaliil oo aheyd sarkaal ka tirsan hay,ada nabad sugida soomaaliya oo dowladdu  sheegtay in la dilay

labada dhinac ee madaxweyne farnaajo iyo Rooble ayaa waxa ay ku kala adkeysteen Go,aanada khilaafku ka dhashay oo ay ku kala taagnaayeen

Ra’iisul Wasaare rooble  ayaa diiday in uu ka laabto go,aankii uu ku magcaabay taliye goobe iyo in amniga qaran guud uu masuul ka yahay Madaxweyne farmaajo

Khilaafka labada masuul ayaa mar marba ka kasii dambeeysa sii xoogeysanaya ,waxaana haatan lagu guuldareystay talaabadii ugu horeysay ee loo qaaday in lagu soo afjaro khilaafka soo kala dhexgalay madaxada ugu sareysa dalka

Walaaac ugu weyn ee laqabo ayaa ah in khilaafkaan uu caqad ku noqonkaro doorshada dalka ka dhacaysa

 

 

 

Related Post

Wararka