spot_img

Ururka Midowga Afrika oo War Kasoo Saaray Doorashadda Soomaaliya

Ururka Midowga Afrika ayaa war kasoo saaray xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Heshiiyadii dhawaan ay gaareen Golaha watashiga qaran ee doorashooyinka ku saabsan.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat  oo qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay go’aanadda ay gaareen Madaxda Soomaalida kadib kulan 6-maalin qaatay ay ku yeesheen magaaladda muqdisho.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in la dhaqan galiyo heshiiska la gaaray,islamarkaana doorashadda lagu soo gaba-gabeeyo 25-ka bisha February.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la ixtiraamo heshiisyada 17ka Sebtember 2020, May 27 2021 iyo habraaca doorashada 01 Oktoobar 2020 iyo Ogosto 24, 2021.

“Waxaan ku boorrinayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay is-xakameeyaan oo ay horumariyaan wada-xaajood siyaasadeed oo is-dhexgal ah oo ku aaddan xasilloonida siyaasadeed,mowqifka Midowga Afrika waxa uu yahay doorasho lagu kalsoonaan karo, taasi oo tallaabo muhiima u ah nabad waarta oo ka dhalata gudaha Soomaaliya”, ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat.

 

Related Post

Wararka