Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka Puntland ayaa ku waramaya in caawa maqribkii halkaas lagu dilay Taliyihii Nabad-sugida iyo Sirdoonka Gobolka Mudug ee Puntland.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay Xaafadda Suuq Barwaaqo ee Waqooyiga Gaalkacyo.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in dilka ay fuliyeen labo Dhalinyaro ah,islamarkaana ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xaashi Aaden Cilmi.