Taliyaha Saldhiga Bartamaha Gaalkacyo Puntland oo Qarax Ka Badbaaday+Sawirro

Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Qarax Gaarigiisa loogu xirey uu ka badbaaday Taliyaha Saldhiga Bartamaha Magaaladda Gaalkacyo ee Puntland Cabdiqani xabuun.

Gaariga ayaa ku qarxay guri uu Taliyaha ka dagan yahay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Maamulka Puntland ee magaaladda Gaalkacyo ayaa sheegay in Taliyaha uu ka shakiyay in gaariga lagu xiray waxyaabaha qarxa,islamarkaana uu ka dheeraaday,sidaasna ku qarxay.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa,marka lag reebo burbur soo gaaray gaariga iyo hareeraha guriga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.