spot_img

Taliyaha Ciidanka Xoogga Kulamo Ka Wada Dhuusa-Mareeb

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage Oo Galinkii dambe Ee Shalay gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxa uu kulamo ka wada halkaasi ,xili uu jiro dhaq-dhaqaaq ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay K wadaan deegaano dhaca Gobolka Galgaduud kuwaas oo ay sheegeen in ay ku sugayaan amaanka guud ee Galmudug, isla markaana ay hore u socdeen howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliye odawaa oo ay wehliyeen Saraakiisha ciidan xoogga ayaa waxa uu magaalada Dhuusa-Mareeb kulmo kula yeeshay  Madaxwaynaha Maamulka Galmudug iyo saraakiisha talisyada kala duwan ee ku sugan Caasimada.

Kulamadaa  intooda badan waxa looga hadlay Howlgalada ay Ciidamada Dowladdu wadaan iyo qaabka loo wajahayo ururka hubeysan ee ahlusuna

Maamulka Galmudug wali Rasmi ah kama soo saarin kulamadaan balse waxa lasheegay in maamulka uu wado qor uu dagaal ugu soo afjarayo kooxda ahlusuna ee kasoo cusboonaatay deegaanada Galmudug

Related Post

Wararka