Taliska Ciidanka Xoogga oo Sheegay in Shabaab Laga Dilay Saraakiil iyo 13-askari

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa war kasoo saaray dagaalkii ka dhacay deegaanka deeynuunaay oo hoostaga magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay.

Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay xubno Al-Shabaab ahaa.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa iyagoo foojigan islamarkaasna kawarqaba dhagarta weerar al-shabaab ay kusoo qaadeen degaanka deeynuunaay oo hoostaga magaalada baydhabo ee xrunta gobolka baay.

Ciidanka xoogga dalka ayaa iyagoo taxadaraya kahortagay weerarkaasi cadawga ummadda soomaaliyeed ay soomaleegeen Taliska qeybta 60-aad.

Jeneraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa sheegay in Al-shabaab lagaarsiiyay qasaare xoogan oo gaaray 17-dhimasho iyo 23 dhaawac ah oo ay ku jiraan 3 horjooge oo mid kamid ah uqaabilsanaa gobolka baay kaasi oo lagu magaabo Cabdicasiis Isaaq Nuuroow ( Abuu Yaxye)

Sidookale ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka dhintay hal-sargaal iyo sadax-askari.

Ciidanka ayaa dhulka baadiyaha fog waxeey kusii baacsanayaan Al-shabaabkii isku dayay ineey weerka kusoo qaadaan degaanka deeynuunaay ee gobolka baay.